Soomaaliya iyo Ingiriiska oo kala saxiixday heshiis iskaashi

Published: November 22, 2023

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Abshir Huruuse ayaa London kulan kula yeeshay Wasiirka horumarinta Afrika ee UK Andrew Mitchell.

Labada Wasiir ayaa wada saxiixay heshiis la xariira iskaashi in labada dal ay ka yeeshaan dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha, maamul-wanaagga & gargaarka.

“Anigoo ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee booqashada shaqo ku jooga Boqortooyada Ingiriiska.

Waxaan heshiis Iskaashi iyo wadashaqayn ku kala saxiixannay magaalada London Wasiirka horumarinta Afrika ee UK Andrew Mitchell”.

Wasiir Abshir Cumar Jaamac Huruuse

Dalka Ingiriiska ayaa kamid ah dalalka Soomaaliya ka taageera arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo howlaha samafalka.