Soomaaliya iyo Kenya oo ka wadahadlaya la dagaalanka al-shabab

18 October, 2023

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wafti uu…

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Dalka Kenye Mudane, Aadan Barre Ducaale.

Labada dhinac ayaa gali doona wada tashiyo ku aaddan iskaashiga iyo dardargalinta howlgallada lagu cirib tirayo kooxaha Khawaarijta ee dhibaatada xooggan ku haya Shucuubta gobolka.

Kenya ayaa kamid ah dalalka safka hore ee IGAD oo ay ciidamadooda ka qeyb qaataan hawlgalka ATMIS, isla markaana dowlada Soomaaliya ku raacay dib in loo dhigo ka bixitaanka qeybo kamid ah ciidamada ATMIS oo lagu waday in dalka laga saaro.