Soomaaliya iyo Masar oo ka shiray xoojinta Iskaashiga Waxbarashada 

Published: March 21, 2022

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri, ayaa xafiiskiisa kula kulmay madaxa Ergada Waxbarashada Wadanka Masar ee Soomaaliya, mudane Hashim Shalabi, ayaga oo kawada hadlay xoojinta xariirka labada dal ee dhanka Waxbarashada iyo dib u howl gelinta Iskuulka 15 Maajo ee Magaalada Muqdisho kaasi oo fursad Waxbarasho siin doona Carruurta Danyarta ah ee Gobolka Banaadir iyo deegaannada ku xeeran ku nool.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada mudane Jaabiri ayaa u balan qaaday Ergada Waxbarashada Wadanka Masar in ay diyaar ulla tahay Wasaaradda Waxbarashada wax kasta oo lagama maarmaan u ah, adkeynta Xariirka labada Dal ee dhinacyada Waxbarashada, Dhaqanka iyo fursad siinta Ardayda Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Tacliinta Sare ahna Kusimaha Agaasimaha guud ee Wasaaraadda Waxbarashada Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *