Soomaaliya iyo Masar oo kawada hadlay xasiloonida iyo nabad gelyada qaaradda Afrika

Published: March 23, 2021

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq ayaa dhiggiisa dalka Masar mudane Saamix Shukri kala hadlay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga labada dhinac ka dhaxeeya.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Masar Axmed Xaafid ayaa warbaahinta u sheegay in kulanka sidoo kale looga hadlay horumarada kala duwan ee ka socda geeska Afrika iyo sidii la isaga kaashan lahaa xasiloonida iyo nabad gelyada qaaradda Afrika.

Wafdiga la socda wasiirka arrimaha dibadda xukuumaada federaalka Soomaaliya waxaa ka mid ah wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya mudane Xasan Macallin Khaliif.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *