Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo kulan seddex geesood ah ku yeeshay magaalada Asmara

Published: October 10, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha dalalka Masar Mudane Cabdulfataax Alsiisi iyo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Asias Afwerk ayaa waxaa uga socda magaalada Asmara shir saddex geesood ah.

Madaxweyneyaasha dalalka Soomaaliya, Masar iyo Ereteriya ayaa shirkooda waxay uga arinsanayaan xaaladda Gobolka iyo xasilloonida marin-biyoodka Badda Cas.

Hogaamiyaha Masar oo maanta safar ku tagey Asmara ayaa booqashadiisu waxay u muuqataa mid dab kusii shidaysa khilaafka gobolka geeska gaar ahaan wadanka ay isku hayaan wabiga Niilka ee Itoobiya.

Horseed Media