Soomaaliya & Midowga Yurub oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac

Published: January 14, 2023
Shares10

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ayaa kulamo la yeeshay  madax sar sare oo ka tirsan Midowga Yurub. 

Masuuliyiinta ay Wasiir Abshir Cumar Huruuse iyo wafdigii La socday la kulmeen waxaa ka mid ahaa Wakiilka sare ee arrimaha dibedda, siyaasadda iyo amniga u qaabilsan Midowga Yurub mudane Josep Borrell iyo 27 danjire ee wadamada Yurub u jooga xarunta Brussels, waxayna  kala hadleen qorshayaasha hor-tebinta u leh dowladda  Federaalka Soomaaliya iyo siday muhiimka u tahay garab istaagga  Midowga Yurub.

Wasiirka oo ay weheliyaan saraakiil sar sare oo ka kala socday xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa madaxda Midowga Yurub kala hadlay taageerada xagga laamaha ammaanka, dib u heshiisiinta, kor u qaadidda horumarinta dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga.

Kulamada dhex-maray wafdiga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa lagu soo qaaday sidii kuwa guulaysta ay u noqon lahaayeen mashaariicda ay Midowga Yurub ka wadaan Soomaaliya iyagoo la waafajinayo qorshaha horumarinta qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Horseed Media