Soomaaliya oo dalka Mauritania uga qayb-gashay furitaanka shirka 49-aad ee dalalka Islaamka (OIC)

Published: March 17, 2023
Shares4

Wasiirka arimada dibedda Soomaaliya Abshir Jaamac Cumar Huruuse ayaa ka qayb-galay furitaanka shirka 49-aad ee dalalka Islaamka (OIC) heerka wasiirrada Arrimaha Dibedda oo ka furmay magaalada Nouakchott ee Caasimadda Mauritania.

Inta uu shirku socdo waxaa looga hadli doona qadiyadaha taagan ee dalalka Islaamka, waxaana ajendayaasha shirka ka mid ah sidii xal waara loogu helli lahaa abaaraha soo noqnoqday ee dalka ka jira, iyadoo beeraleyda Soomaaliyeed aysan tacab goosan dhowrkii xilli roobaad ee ugu danbeeyay.

Dhanka kale Wasiir Abshir Jaamac Cumar Huruuse ayaa kulan doceed gooni ah la yeeshay Xoghayaha guud ee ururka OIC Hissein Brahim Taha.

Wasiirka iyo Xoghayaha ayaa kawada hadlay sidii Muwaadiniinta Soomaaliyeed xilalka iyo fursadaha shaqada ee ururka OIC uga helli lahaayeen saamigooda, waxaana uga mahadceliyay wafdigii heerka sare ahaa ee bishii hore nagu soo booqday Muqdisho ee ururka OIC.

Horseed Media