Soomaaliya oo diiday dhexdhexaadinta AU-da ee ku saabsan Is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland

Published: January 18, 2024

Muqdisho – Dawladda Soomaaliya ayaa diiday dhexdhexaadintii Midowga Afrika ee ku saabsanaa heshiiskii is-afgaradka ahaa (MOU) ee ay Itoobiya iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland kala saxeexdeen sannadkan.

War saxaafadeed ay maanta soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiiska MOU uu xadgudub ku yahay madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. War-saxaafadeedka ayaa jawaab u ah shir ay dhawaan yeesheen golaha ammaanka iyo nabadgalyada Midowga Afrika oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Waxaan soo dhaweyneynaa xaqiijinta AUPSC ee madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dhammaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika,” ayaa lagu yiri bayaanka. “Iyadoo mabda’aas la dhowrayo, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya waxaa ku xad-gudbay Itoobiya.

Itoobiya waxay la saxiixatey Somaliland heshiis u ogolaanaya inay ciidamadeeda badda iyo kuwa ganacsi ka helaan dekedaha ku teedsan xeebaha Somaliland, taas oo ay ku beddelanayso aqoonsiga madaxbannaanida Somaliland. Dowladda Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa in dhulka waqooyi galbeed uu ka mid yahay kana mid ahaanayo jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, ma jirto meel lagu dhex dhexaadin karo haddii aysan Itoobiya ka laaban MOU-ga sharci darada ah oo ay dib u xaqiijiso madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay la-shaqeynta Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo Urur-goboleedka IGAD kaas oo ku dhisan xiriir faa’iido u leh labada dhinac oo ku saleysan sharuucda caalamiga ah.

Horseed Media