Published: November 13, 2023
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka amniga ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa heshiiska u saxiixay Soomaaliya. Halka dhinaca Sucuudigana uu u saxiixay Wasiir kuxigeenka arrimaha gudaha Sucuudiga, Nasser bin Abdul Aziz Al Dawood.
Wasiir Abshir ayaa sheegay in heshiiskan uu muhiimad weyn u leeyahay wax weynna ka tarayo iskaashiga amni ee labada dal ee leh xiriirka soo jireenka ah.
Horseed Media