Soomaaliya Oo Heshiis La Saxiixatay Hay’adda Maalgashiga (IFC)

Published: March 22, 2021

Wasiirka Maaliyadda Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa heshiis la saxiixday hay’adda maalgashiga iyo ganacsiga u qaabilsan bangiga adduunka ee IFC, heshiiskan ayaa lagu taageerayaa horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya.

“ Maanta waxa aan heshiis la saxiixnay Hey’adda Maalgashiga iyo Ganacsiga u qaabilsan Bangiga Adduunka ee IFC heshiiskaasi oo lagu taageerayo horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya iyo gacan ka geysashada sidii fursado waara loogu abuuri lahaa bulshada Soomaaliyeed ”

Wasiir Beyle

Wasiir Beyle ayaa sheegay in heshiiskani yahay mid muhiimad gaar ah u leh umadda Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa uu sheegay in ganacsiga gaarka loo leeyahay uu muhiim u yahay isbeddelka dhaqaalaha dalka.

“ Horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay waxaa uu muhiim u yahay isbeddelka dhaqaalaha dalkeena, sidoo kale Waxaa naga go’an in aan sii wadno dadaalada dib u habaynta hanaanka Maaliyadda iyo dhaqaalaha si aan iskaashi maalgashi iyo mid taageero dhaqaale u la yeelano Hey’addaha kala duwan ee Maaliyadeed ee caalamka ”.

WASIIR BEYLE

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *