Soomaaliya oo ka qayb-galaysa shirwaynaha waxbarashada Afrika.

Published: January 27, 2020
Raysal-waasare ku xigeen DFS Khadar.

Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) Raysal-wasaare ku xigeenka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo wafti uu hogaaminayo oo uu qayb ka yahay wasiirka waxarashada ayaa gaaray Dalka Jabuuti halkaas oo ay uga qaybgali doonaan shirwayne looga hadlayo arimaha waxbarashada Afrika.

Shirkaan ayaa lagu waddaa in ay kasoo qaybgalaan madax ka socda dawladaha afrika, inta uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa Heerka waxbarasho ee Dalalka Afrika sidii lagu Hormarin lahaa, waftigga soomaaliya ayaana lagu waddaa in ay kulamo la qaataan madaxda kasoo qaybgalaysa shirka.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *