Soomaaliya oo ka qayb gashay shir-madaxeedka dalalka dhexdhexaadka ah

Published: January 18, 2024

Shir-madaxeedka dalalka dhexdhexaadka ee ka socday Kampala oo maalintii 3-aad galay ayuu shirka ahaa heerka wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka dhexdhexaadka ah.

Soomaaliya waxaa ku matalayay Sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna wasiiru dowladaha Arrimaha Dibadda Mudane Cali Cumar ( Cali Balcad), isagoo halkaas ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay, waxuuna xoogeeda kaga hadlay damaca Guracan ee Itoobiya iyo saameynta ay yeelan karto gobolka.

Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Mudane Cabdiladiif Maxamuud Cali ayaa sheegay in maalmahan Uganda ka dhacayaan dhowr shir-madaxeed oo is dulsaaran kuwaas oo maalmaha soo socda Kampala ka dhici doona Sida Shirka wadamada dhexdhexaadka ah (NAM) G77+China, iyo IGAD.