Soomaaliya oo ku biirtay Guddiga Fulinta Cimiladda Maaliyadeed ee Adduunka

Published: December 6, 2023

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah xubin uga noqotay Guddiga Fulinta Cimiladda Maaliyadeed oo u taagan wax ka qabashada caqabadaha maaliyadeed ee cimilada adduunka.

Go’aankan ayaa lagu dhawaaqay munaasabad ka dhacday magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta oo ay ka qeyb gashay Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Soomaaliya Khadiija Maxamed Makhzoumi.

Wasiir Khadiija Mohamed Makhzumi ayaa munaasabada kaga hadashay caqabadaha xiligaan ka jira Soomaaliya ee ku aadan helida dhaqaalaha ku filan cimilada.

Hawl-wadeennada Maaliyadda Cimilada, ayaa isku diyaarinaya inay qaadaan tallaabooyin wadajir ah si ay u dejiyaan qorshayaal wax looga qabto caqabadaha cimilada ee soo wajahaya dalalka adduunka.