Soomaaliya oo ku guuleysatay Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika

Published: October 15, 2022

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ku guuleystay koobka17-jirada ee bariga iyo bartamaha Afrika (CECAFA) 2022.

Ciyaartii gunaanadka koobka (Final) oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayey xulka Soomaaliya uga badiyeen (3-1) dhigooda xulka Koonfurta Suudaan.

Soomaaliya ayaa hore isreebrebka 17-jirada bariga iyo bartamaha Africa 2022 uga reebtay xulalka Itoobiya iyo Uganda, iyadoo ciyaarta maanta ay garoonka buux dhaafiyeen taageerayaal Soomaali ah oo qaarkood mas’uuliyiin ay yihiin kuwaasoo uu ugu weynaa Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya.

Horseed Media