Soomaaliya oo laga helay kiiskii ugu horeeyay ee Carono-Virus.

Published: March 16, 2020

Fowsiya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir jaraaid oo ay ku qabatay magaalada Muqdisho waxay xaqiijisay in kiiskii u horreeyay cudurka Coronavirus laga helay muwaaddin Soomaaliyeed oo ka yimid dal dibadda ah, waxays heegtay in lagu karantiilay gudaha magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in muwaaddiniin Soomaaliyeed oo ka soo laabtay dibadda, mudda karantiil la geliyay, si looga baaro caabuqa koronavirus, kadibna midkood saaka laga helay caabuqaas, balse intoodi kale ay caafimaad qabaan.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay mamnuucday dhammaan duullimaadyada Caalamiga ah ee dalka imaan jiray laga bilaabo maalinta Arbacada ah ee ku beegan 18 –bishaan Maarso 2020-ka.

Wasaaradda ayaa sheegtay in amarka lagu joojiyay duullimaadyada Caalamiga ah uu ka dhaqan-geli doono guud ahaan dalka Soomaaliya, balse keliya la ogolyahay in ay dalka soo galaan duullimaadyada sid Gargaarka bani’aadanimo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *