Soomaaliya Oo Qabatay Hogaanka Madasha Wasiirrada Waxbarashada Ee Dalalka Carabta

Published: July 10, 2020
by: Horseed Staff

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegtay hoggaaminta Madasha Wasiirrada Waxbarashada, Hiddaha iyo Dhaqanka dalalka Carabta oo ay ugu danbaysay guddoominteeda 37 sano ka hor.

Wasiiru dowlaha ahna ku-simaha wasiirka wasaaradda waxbarashada, dhaqanka & Tacliinta Sare ee Soomaaliya Cabdirixmaan Maxamuud Cabdulle ayaa xilkan la wareegay wuxuuna guddoomiyey Madasha 25-aad ee Wasiirrada Waxbarashada Carabta ee ku mideysan Ururka (ALECSO), isagoo tilmaamay qiimaha shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay u leedahay in ay guddoomiyaan madashan mar kale, kaddiib Meeratadii Todobaad oo Soomaaliya ay guddoomisay Sanadkii 1983dii.

“Tallaabooyinka aan u qaadnay horumarinta iyo tayeynta waxbarashada dalkayaga waa kuwo mudan garab istaagga iyo bogaadin, iyada oo aan si xooggan isula jaanqaadnay Ururka Carabta ee Waxbrashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee (ALECSO) oo gacan weyn ka geysanaysa qabsoomidda Shirka Taageerayaasha Waxbarashada Soomaaliya oo ay marti galineyso Dowladda aan walaalaha nahay ee Kuweyt.” ayuu yiri wasiiru dowle Cabdiraxmaan.

Wasiirrada dalalka Carabta ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya Guddoominta Meertadan 25-aad ee kulammada heer Wasiir ee (ALECSO).

Horseed Media