Soomaaliya & QM oo ka wada Shaqaynaya doona Sanduuqa Horumarinta Soomaaliya

Published: November 22, 2023

Wasiirka wasaaradda qrsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqalaaha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) iyo ku-simaha ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya mudane George Conway ayaa si wadajir ah u gudoominay kulankii ugu horeeyay ee kooxda maareynta Sanduuqa Wadajirka ah ee Soomaaliya.

Shirka ayaa looga hadlay sida ugu habboon ee loo kala horreysiin karo, lana iskugu-dubbaridi lahaa dhaqalaaha Sanduuqa Wadajirka ee Soomaaliya si loo xaqiijiyo in ay saameyn wanaagsan ku yeeshaan shacabka Soomaaliyeed.

Shirka waxaa ka soo qeybgalay wasiiru Dowlaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya XFS mudane Xirsi Gaani, agaasmiga guud ee Wasaaradda maaliyadda mdane Suleymaan Cumar iyo wakiillo ka kala socday Saaxiibada Soomaaliya sida Switzerland iyo Norway.