Soomaaliya – Shabaab oo xukun ku riday nin gabar kufsaday

Published: October 30, 2019
Al Shabaab oo ku sugan deegaanka Kuunya Baroow

Maleeshiyaadka Al- Shabaab ayaa xukun jeydal iyo masaafurin ku fuliyay nin ay sheegeen in uu xoog ku kufsaday gabar.

Falkan ayaa ka dhacay fagaara weyn oo ku yaala degmada Kuunya Baroow ee gobalka Shabeelada Hoose.

Ninka xukunka lagu fuliyay ayaa lagu magacaabaa Xuseen Xeefoow Xasan ,waxaana la sheegay in uu si xoog ah ku kufsaday haweeney lagu magacaabo Xaawa Muudeey Cali oo ku nool degmada Kuunya Baroow.

Xaawa Muudeey ayaa maxkamadda Al-shabaab ka dacweysay, Xuseen Xeefoow wuxuuna maxkamadda Al-shabaab ka qirtay dambiga lagu soo oogay.

Xuseen Xeefoow Xasan oo aanan guur soo marin ayay maxkamadu ku xukuntay Boqol karbaash  iyo hal sano oo musaafurin ah, waxaa goobta fagaaraha xukunka ka aqriyay qaadiga maxkamada Al-shabaab ee degmadaasi.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *