Soomaaliya: Xaaladihii Ugu Dambeeyey Ee Covid-19

Published: August 7, 2021

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa diiwaangelisay 63 kiis oo cusub oo ah COVID19 48kii saacadood ee lasoo dhaafay, taasoo wadarta guud ka dhigaysa 15,788 kiis.

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya ayaa sheegtay kiisaska cusub inay kala joogaan Muqdisho 50 qof, Puntland 9 qof, Galmudug 3 qof iyo Hirshabeelle 1 qof.

Dhanka kale Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Fowsiya ayaa sheegtay inay tirada guud ee dadka bogsooday tahay 7,729 qof.

Bukaannada cusub 32 waa rag. 31-na waa dumar, Waxaana guud ahaan dalka cudurka ugu geeriyootay 847 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *