South Korea: Madaxweynihii hore oo la amray in lasoo xiro

Published: March 27, 2017

Xeer illaalinta dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa amartay in lasoo xiro haweenayda Madaxweynihii hore ahayd ee Park Geun-hye oo bishan xilka laga xayuubiyey.

Madaxweynihii hore Mrs.Park ayaa horaantii bishan waxaa xilka ka xayuubiyey Maxkamada sare kadib markii Baarlamaanka ansixiyey maxkamadeynteeda, waxaana loo heystaa arrimo la xariira musuq maasuq iyo ku takri-fal awoodeeda.

Park Geun-hye ayaa lagu eedeeyey inay shirkado ay xiriir laleedahay sida shirkada Samsung ay u sameysay canshuur dhaaf iyo mashaariic si musuq maasuq ah loo siiyey ganacsato ay xiriir dhaw laleedahay.

Kadib go`aankii maxkamada sare xilka uga xayuubisay Mrs.Park ayaa waxaa halkaasi ku dhumay xasaanadii ay lahayd intii ay heysay xilka Madaxweynaha. Waxaana todobaadkii tagay su`aalo weydiiyey xeer illaalinta.

Xeer illaalinta ayaa maanta codsi u gudbisay Maxkamada dalkaasi ay ku codsaneyso in la fuliyo amarka soo xirida haweenaydan, iyadoo xeer illaalinta ku dooday inay ka cabsi qabto Mrs.Park inay burburiso xogta iyo cadeynmaha dacwadaha loo heysto, kahor intaan lasoo gaba gabeen baaritaanka ku aadan danbiyada musuq maasuqa oo ay ku muteysan karto 10 sano oo xarig ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *