Spain oo Gantaalo casri ah ka gadeysa Sacuudiga

Published: September 14, 2018

Dowlada Spain ayaa sheegtay in gantaalada Casriga ah oo gaaraya 400 ku wareejin doonto dowlada Sacuudiga, todobaad kadib markii la hakiyey iibka hubka.

Xukuumada Spain ayaa asbuucii lasoo dhaafay hakisay mashruucan hubka looga iibinayey dalka Sacuudiga, kadib markii ay hay`adaha xaquuqul insaanka ay cadaadis ku saareen dowladaha reer Galbeedka inay joojiyaan hubka ay siinayaan Boqortooyada Sacuudiga oo lagu eedeenayo danbiyada dagaala iyo duqeynta ka socota dalka Yemen.

Balse go`aankii hore ayey dowlada Spain dib uga noqotay iyadoo uu khamiistii shalay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Spain Josep Borrell shaaciyey in hubkaasi lagu wareejin doono Sacuudiga.

Wasiirka ayaa sheegay in heshiiska iibka hubkan uu ahaa mid la saxiixay sanadkii 2015 isla markaana yahay mashruuc ka horeeyey xukuumada hada talada heysa ee wadanka Spain, Josep Borrell ayaa intaasi raaciyey inaysan jirin sabab ay ku joojiyaan heshiiskaasi horey u dhacay.

Dhawaan ayey guddiga khubaro ah oo ay Qaramada Midoobay u xil saartay danbiyada dagaal ee ka dhacay wadanka Yemen sheegeen in dhamaan kooxaha ku dagaalamaya dalka Yemen ay geysteen gaboodfalo ka dhan ah shacabka.

Dagaalka Yemen ayaa la sheegay in tan iyo sanadkii 2015 ay ku dhinteen in ka badan 10.000 rayid ah, kuwaasi oo intooda badan ku dhintay duqeynta diyaaradaha xulafada Sacuudiga ee bilowday bishii Maarso ee 2015.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa la sheegay in afarta wadan oo ugu waaweyn oo ay hubka kasoo iibsato ay yihiin Maraykanka, UK, France iyo Spain, kuwaasi oo hada cadaadis kala kulmaya hay`adaha xaquuqul insaanka ee doonaya joojinta hubka laga iibiyo xukuumada Riyadh.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *