Dalka Sacuudi Carabiya ayaa xayiraad duulimaad ku soo rogtay Soomaaliya iyadoo dadka ka imanaya Soomaaliya ka…
Dalka Sacuudi Carabiya ayaa xayiraad duulimaad ku soo rogtay Soomaaliya iyadoo dadka ka imanaya Soomaaliya ka mamnuucday inay dalkaas u safraan illaa amar dambe.
Ilaa 16 dal ayay dowlada Sucuudiga dadkooda ka mamnuucday inay soo galaan dalkeeda, kadib markii kiiska cudurka COVID-19 oo sare uga sii kacaya gudaha Sucuudiga.
Marka laga soo tago Soomaaliya, 15-ka dal ee kale ee liiska ku jira ayaa kala ah; India, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Libya, Indonesia, Lebanon, Syria, Turkey, Iran, Afghanistan, Yemen, Ethiopia, , Vietnam, Armenia, , Venezuela iyo Belarus.
Xayiraadan ayaa ku soo beegsamysa xilli dhowaan Soomaaliya loo doortay Madaxweyne cusub kaas oo shaley xilka la wareegay