Sudan: Mudaharaadka sicir bararka maciishada oo ay dad ku dhinteen

Published: January 9, 2018

Inta badan magaalooyinka dalka Sudan ayey kusii fidayaan mudaharaadyada looga soo horjeedo sicir bararka ku yimid maciishada daruuriga ah sida Rootiga.

Sicir bararkan ayaa yimid kadib markii ay dowlada hoos u dhigtay burka laga keeno dibada iyo waliba lacagtii ay ku kabi jirtay hoos u dhigida qiimaha maciishada daruuriga ah.

Magaalada Geneina ayey shalay ku dhinteen labo qof oo dhalinyaro oo ka qeyb qaadanayey banaanbaxa looga soo horjeedo dowlada.

Ciidamada amaanka ayaa lagu eedeeyey inay awood xad dhaaf ah u adeegsadeen dadka shacabka ah ee banaanbaxaya, waxay sidoo kale dowlada suuqa ka saartay iibinta qaar kamid ah jaraa`idka dalkaasi kasoo baxa.

Waxaa iyaguna xabsiga la dhigay qaar kamid ah hogaamiyayaasha mucaaridka dalkaasi oo ay dowlada ku tuhunsan tahay inay ku lug leeyihiin kacdoonka shacab oo ay ka cabsi qabto.

Xayiraadii la qaaday iyo Taladii IMF
Dalka Sudan ayaa dhawaan laga qaaday xayiraadii dhaqaale ee uu Maraykanka saaray, arrintaasi oo dad badan rajo gelisay inay keeni doonto isbedal wanaagsan.

Isbedalkii la sugayey ayaa noqday mid khasaaro ku keenay suuqyada wadankaasi kadib markii ay hay`ada IMF ku talo siisay dowlada inay joojiso lacagta dowlada ku kabto suuqa, isla markaana hoos u dhigto qiimaha lacagta wadankaasi Sudan oo horey u ahaa mid adag.

Arrintan ayaa sababtay inay saro u kacdo maciishada wadankaasi sida rootiga, waxayna keentay inay shacabka markii ugu horeysay in muddo ah ay dhigaan banaanbaxyo looga soo horjeedo go` aadii ay dowlada qaadatay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *