Sudan oo codsatay kulan degdeg ah oo Qaramada Midoobay ka yeelato ku lug lahaanshaha Imaaraadka ee colaadaha

Published: April 28, 2024
Shares32

Sudan ayaa codsatay kulan degdeg ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeesho waxa ay ugu yeertay “gardarrada” Imaaraadka Carabta ee lagu eedeeyay inay taageerto kooxaha hubaysan ee dagaalka kula jira ciidamada dowlada.

Wakaaladda wararka dalkaasi ee SUNA ayaa xaqiijisay in wakiilka Qaramada Midoobay ee Suudaan Al-Harith Idriss uu gudbiyay codsiga.

Dagaalka Sudan ayaa bishi April ee sanadkii hore ka dhex qarxay ciidamada dowlada ee uu hogaamiyo Abdel Fattah al-Burhaan iyo jabhada RSF oo uu hogaaminayo ku-xigeenkiisii hore Mohamed Hamdan Dagalo.

Muddo bilo ah ayaa ciidanka dowlada waxa ay Imaaraadka ku eedeeyeen in ay taageerto RSF, eedeyntaasi oo Imaaraadku beenisay.

Waraaq ay u dirtay golaha ammaanka todobaadkii hore, wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka ayaa ku beenisay eedeymaha Suudaan ee ah inay taageerto RSF.

Sabtidii shalay, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muujiyay “walaaca” ku saabsan dagaalka sii kordhaya ee gobolka Waqooyiga Darfur ee Suudaan, wuxuuna ka digay suurtagalnimada weerar ay RSF iyo maleeshiyaadka huwanta ah ku qaadaan El Fasher.

Magaaladaasi El Fasher waa caasimadii ugu dambaysay ee gobolka Darfur oo aysan weli gacanta ku heyn xoogaga RSF, waxaana halkaasi ku sugan qaxooti tiro badan.

Xafiiska afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in weerar lagu qaado El Fasher uu dhalin doono cawaaqib xun oo soo food saarta dadka rayidka ah.

Bishii Disembar, Khartoum ayaa dalbatay in 15 diblomaasiyiin Imaaraati ah ay dalka ka baxaan ka dib markii taliyaha ciidanka Suudaan uu Abu Dhabi ku eedeeyay inay taageerto RSF, sidoo kale dibad-baxyo ka dhacay magaalada Port Sudan ayaa lagu dalbaday in la eryo safiirka Imaaraadka.

Wargeyska Wall Street Journal oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan Uganda ayaa bishii August ee la soo dhaafay sheegay in hub laga dhex helay diyaarad xamuul ah oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, taasoo gargaar bini’aadantinimo u waday qaxootiga Suudaan ee ku sugan dalka Chad, arrintaasi oo ay beenisay dowlada Imaaraatiga.

Dagaalka Suudaan ayaa waxaa ku dhintay tobanaan kun oo qof, wuxuuna ku qasbay in ka badan 8.5 milyan oo qof inay ka qaxaan guryahoodii, iyadoo Qaramada Midoobay ay ku tilmaantay barakaca ugu weyn ee xiligan ka dhacay adduunka.

Horseed Media