Suldaanka Cumaan oo warqada aqoonsiga ka gudoomay safiirka Soomaaliya

Published: March 14, 2020

Suldaanka Saldanada Cummaan Haytham Bin Daariq ayaa madaxtooyada dalkaas ku qaabilay Cabdiweli Cali Axmed (Jeylaani) Danjiraha dowladda Soomaaliya ee Saldanada Cummaan.

Qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegya in Suldaanka Cusub ee Cummaan uu waraaqihiisa aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomiyay Danjire Cabdiweli Jeylaani.

Danjire Jeylaani iyo Suldaanka cusub ee Cummaan ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashi ee labada waddan dhinacyada Dhaqaalaha Ganacsiga iyo Siyaasadda sida ay lagu baahiyay warkaan kooban

Safiirka ayaa Suldaanka Cummaan ku wareejiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *