Suuriya: Kooxda HTS oo loo magacaabay xilalka Wasaaradaha arrimaha dibadda iyo difaaca

5 hours ago

Asaad Hassan al-Shibani ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda iyo Murhaf Abu Qasra wasiirka gaashaandhigga. Labaduba waxay xulafo la yihiin hoggaamiyaha HTS Axmed al-Sharaa.

Hogaamiyeyaasha cusub ee Suuriya ayaa magacaabay wasiirka arrimaha dibadda iyo gaashaandhigga, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee Suuriya ee SANA.

Taliska guud ee talada haya ayaa Sabtidii u magacaabay Asaad Hassan al-Shibani wasiirka arrimaha dibadda.

Maamulka cusub ayaa sheegay in tallaabadani ay jawaab u tahay rabitaanka dadka Suuriya ee ah inay abuuraan xiriir caalami ah oo keena nabad iyo xasillooni.

Murhaf Abu Qasra ayaa loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda KMG ah.

Abu Qasra, oo sidoo kale loo yaqaanno Abu Hassan 600, ayaa ah sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Hayat Tahrir al-Sham (HTS), ee hogaaminaysay xoogaga mucaaradka ee xukunka ka tuuray Al-Asad.

Ilaa hadda, 14 wasiir ayaa la magacaabay, dhammaantoodna waa saaxiibo dhow ee hogaamiyaha HTS al-Sharaa.

Horseed Media