Suuriya oo sheegtay in Israa’iil ay duqeysay bartilmaameedyo u dhow Dimishiq

Published: December 2, 2023

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa subaxnimadii hore ee Sabtida duqeeyay bartilmaameedyo u dhow caasimadda Suuriya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dawladda ee SANA.

SANA, oo soo xiganeysa ilo militari, ayaa sheegtay in diyaaradaha Israel ay weerar cirka ah ka fuliyeen dhanka buuraha Golan Heights, iyagoo beegsaday goobo ku dhow Dimishiq.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa sheegtay in difaaca cirka ee Suuriya ay qabteen gantaalada Israa’iil ayna soo rideen dhowr gantaal.

Khasaaro hantiyadeed ayaa la sheegay in uu ka dhashay weerarka.

Israa’iil ayaa tan iyo sanadkii 2011-kii billowday weerarro ay ku qaadayso kooxaha ay Iiraan taageerto iyo fariisimaha ciidamada ee ay ku leeyihiin Suuriya.

Horseed Media