Suxufi Weyn Oo Xalay Ku Geeriyooday Dalka Maraykanka

Published: October 1, 2020

Alle ha u naxariistee Cabdiqadir Maxamed Mursal oo ahaa tababare iyo rug-cadaa Saxaafadeed ayaa xalay ku geeriyooday wadanka Maraykanka, halkaas oo uu ku noolaa burburkii dalka kadib.

Marxuumka oo muddo dhowr bilood ah ku xanuunsanayey dalka Markaynka ayaa waxaa geeridiisa xaqiijiyey eheladiisa, waxayna taabatay oo ka tacsiyeeyey suxufiyiin iyo masuuliyiin uu kamid yahay siihayaha wasiirka wasaaradda warfaafinta dowlada federaalka Soomaaliya.

Cabdiqadir Maxamed Mursal wuxuu kamid ahaa warfidiyeenkii ugu horeeyey Soomaalida burburkii dalka ka hor, isagoo soo noqday agaasimihii idaacadda Radio Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *