Sweden ayaa sheegtay in diyaarada militariga Ruushka ay kusoo xadgudubtay hawada

Published: June 15, 2024
Shares24

Diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Sweden ayaa dhexda u galay diyaarad militari oo laga leeyahay dalka Ruushka kadib markii ay muddo kooban kusoo xad gudubtay hawada dalka Sweden Jimcihii shalay halkaas oo ahayd bariga jasiirada Baltic ee Gotland, sida ay sheegeen ciidamada qalabka sida ee waqooyiga Yurub.

Wasiirka arrimaha dibadda Sweden Tobias Billstrom ayaa ku tilmaamay xadgudubka hawada mid aan la aqbali karin, wuxuuna sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Ruushka ee Stockholm looga yeeri doono wasaaradiisa dhacdadan.

“Waxaan xiriir dhow la leenahay xulafada iyo la-hawlgalayaasha dhacdooyinka aaggayaga dhow,” Billstrom ayuu u sheegay wakaalada Reuters.

Ciidamada qalabka sida ee Sweden ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in diyaarada Gripen loo soo diray si ay u soo qabtaan diyaarada Ruushka ee SU-24, kadib markii ay ka jawaabi wayday digniin idaacada ah oo ay siiyeen shaqaalaha hagayaasha hawada.

Milateriga Sweden ayaa sheegay in xadgudubyo kuwan la mid ah oo ay geysteen diyaaradaha Ruushka ay ugu dambeysay sanadkii 2022 markaas oo labo diyaaradood SU-27 iyo SU-24 ay sidoo kale ku soo xadgudbeen hawadeeda meel u dhow Gotland.

Horseed Media