Sweden iyo Iran oo is dhaafsaday maxaabiis ay heshiis ka gaareen

Published: June 16, 2024
Shares114

Dowladaha Sweden iyo Iran ayaa Sabtidii shalay sameeyay maxaabiis is dhaafsi, sida ay sheegeen saraakiishu, iyadoo Sweden ay sii deysay sarkaal hore oo Iran u dhashay oo lagu helay inuu ku lug lahaa dil wadareed sanadihii 1980-meeyadii halka Iran ay sii deysay labo Swedish ah oo halkaas ku xirnaa.

Isdhaafsiga maxaabiista ayaa waxaa dhexdhexaadineysay dowladda Cumaan, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas. “Dadaallada Cumaan ayaa keenay in labada dhinac ay ku heshiiyaan sii deynta wadajirka ah, maadaama kuwa la sii daayay laga soo kala wareejiyay Tehran iyo Stockholm,” ayaa lagu yiri.

Dalka Sweden ayaa sii daayay mas’uul hore oo u dhashay dalka Iran Hamid Noury, kaas oo lagu helay dambi ah inuu qayb ka ahaa dil wadareed oo lagu fuliyay maxaabiista siyaasadda ee Iran sanadkii 1988. Wakaalada wararka ee Iran ayaa baahisay muuqaalka Noury ​​oo ka soo degay garoonka diyaaradaha Mehrabad ee Tehran halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen qoyskiisa roog cas.

Dhinaca kale, Muwaadiniinta Swedishka ah ee Johan Floderus iyo Saeed Azizi, oo ku xirnaa Iran, ayaa la sii daayay, waxaana dib loogu celiyay Sweden oo ay soo gaareen galinkii dambe ee Sabtidii.

Ra’iisul wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa sheegay in labadan qof ay xaaladdoodu wanaagsan tahay marka loo eego duruufaha jira ayna dib ula midoobeen qoysaskooda.
“Iran waxay labadoodaba u adeegsatay ciyaar gorgortan foolxun oo ay ujeedadu ahayd in muwaadin Iranian ah oo lagu magacaabo Hamid Noury ​​laga sii daayo xabsiga Sweden. Waxa lagu helay danbiyo halis ah oo uu ka galay Iran 1980-meeyadii” ayuu Kristersson ku yidhi hadal uu soo saaray.

“Ra’iisul wasaare ahaan waxaa mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay badqabka muwaadiniinta Sweden, sidaas darteed dowladdu si weyn ayay uga shaqeysay arrintan, iyadoo la kaashanaysa laamaha ammaanka ee Sweden oo wada hadal la yeeshay Iran.”

Horseed Media