Sweden: Mashiinada ATM ee Bangiga Swedbank oo lacago laga daldashey

Published: February 2, 2017

Bangiga Swedbank ee dalka Sweden mashiinadiisa derbiga lagu dhejoyo ee loo yaqaan ATM ayaa is xirey kadib cilad Bangiga ku timid habeenkii xalay ee Arbacada taas oo sababtey in Mashiinku bixiyo lacago xad-dhaaf ah taas oo aan ku jirin Koontada qofka la baxaya.

Kadib markii ay dadku ogaadeen in mashiinku u qarxey ayey safaf u galeen, waxaa goobta soo gaarey Booliska oo markii danbe waardiye ka qabtey mashiinada lacagta lagala baxo sid uu qorey Joornaalka DN.

Booliska ayaa sheegay in safafka loo galay bangiyadaasi ay u muuqdeen sidii bandhig faneed tigidh loo goosanaayo.

Magaalooyinka arintaani ka dhacdey waxaa kamid ah magaalada Malmo, Stockholm iyo Gotherburg.

Afhayeen u hadley Bangiga Swedbank oo lagu magacaabo Gabriel Francke Rodau, ayaa sheegay in ay jirtey cilad Data ah oo bangiga barnaamijkiisa gashey taas oo dib laga xaluyey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *