Sweden oo xuduudkeeda ka xiratey Norway

Published: January 24, 2021

Dowlada Sweden ayaa ku dhawaaqday inay xireyso xadka ay la wadaagto dalka Norwey. Sababta ayaa ah noocyada kala duwan ee loo yaqaan ‘coronavirus variant’ oo laga helay Norway, kaas oo ah nooc degdeg ku faafa oo dilaa ah.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Sweden Mikael Damberg ayaa u sheegay wakaalada wararka ee dalka Sweden ee TT in mamnuucida soo galitaanka ee Norway ay timid kadib markii ay soo baxday qeylo dhaan ku saabsan in isbadalka viruska Ingiriiska uu ku faafayo aaga Oslo.

Dowlada Norwey ayaa shaley ku dhawaaqdey iney xireyso caasimada Oslo iyo meelaha deriska la ah si ka badan sidii hore inta lagu jiro aafadan sida ba’an u faafeysa.

“Kama caban karno in dadka Iswiidhishka ah ay doonayaan in ay xirtaan xuduudkooda si ay uga hortagaan virus-kan isbedelay, Norway waxay ka mid tahay wadamada yurub ee waligoodba lahaa qawaaniinta ugu adag ee coronavirus lagu xakameynaayo iyo in viruska is badalay oo laga helay wadamo badan. ayey tiri Raysul wasaaraha Norway Erna Solberg mar ay la hadashey Telefishanka Sweden.

Solberg ayaa sheegtay in mamnuucidan ay dhaqan galayso habeenka ka horeeya Isniinta waxayna socon doontaa ilaa 14ka Febraayo.

Nooca viruska Ingiriiska lagu arkey ee coronavirus variant ayaa sidoo kale laga helay Iswiidhan.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *