SWEDEN: Rabshadaha ka dhashay Cunsuriyiinta doonaya inay gubaan Kitaabka Quraanka

Published: April 20, 2022

Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhaawacantay ka dib rabshado maalmo socday iyo mudaaharaadyo looga soo horjeedo qorshe ay damacsanaayeen kooxaha Cunsuriyiinta Sweden iyo Denemark inay ku gubaan Kitaabka Quraanka Kariimka.

Gubida kitaabka barakaysan ee Quraanka ayaa ah mid si weyn ololaha ugu galaan kooxaha Cunsuriyiinta Sweden iyo Denemark ee ka soo horjeeda soogalootiga iyo Islaamka.

Kooxahan ayaa dhawaan shaaciyey inay booqasho ku tagi doonaan magaalooyinka Sweden oo ay ku badan yihiin Muslimiinta isla markaana gubi doonaan Kitaabka Quraanka xili lagu jiro bisha Barakeysan ee Ramadaanka.

Qorshahoodan ayaa qeyb ka ah ololahooda doorashada Baarlamaanka dalka Denemark ee dhaceysa bisha September ee sanadkan.

Rabshadahan iyo mudaharaadkan ayaa Jimcihii lasoo dhaafay ka bilowday bartamaha magaalada Orebro ee dalka Sweden iyadoo dad ka careysan falalkan foosha xun weerar ku qaadeen Booliiska kahor intuusan bilaaban banaanbixii ay qorsheenayeen kooxaha cunsuriyiinta.

Waxay rabshadaha sidoo kale ka dhaceen xaafada Muslimiinta ku badan tahay ee Rinkeby ee magaalada Stockholm.

Axadii lasoo dhaafay ayey sidoo kale rabshado ka dhaceen magaalooyinka Linkoping iyo Norrkoping, halkaasi oo lagu gubay gawaari badan, booliiska ayaa sheegay inay xireen 34 qof.

Rabshadaha ka dhacay Norrkoping ayaa yimid kadib markii Cunsuriyiinta sheegeen inay qorsheynayaan inay halkaas ku qabtaan isu-soo-bax, balse goobtaasi maysan tegin.

Saddex qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen rasaas ay fureen booliiska magaalada Norrkoping oo sheegay in askarta ay “ku fureen dhowr xabadood oo digniin ah” kadib markii la weeraray.

Ugu danbeyntii hogaamiyaha cunsuriyiinta (Rasmus Paludan) ayaa sheegay inuu joojiyey banaanbaxyadii uu qorsheenayey isagoo ku eedeeyey Booliiska inay amnigiisa sugi kari waayeen sida uu ku shaaciyey bartiisa Facebook.

Paludan ayaa lagu xukumay 14 maalmood oo xabsi ah sanadkii 2019 kadib markii lagu helay hadal cunsuriyad ah dalka Denmark. Sannad ka dib, waxa markale lagu xukumay hal bil oo xadhig ah ka dib markii lagu helay 14 dacwadood oo kala duwan oo ay ku jiraan falal; midab-takoor ah.

Qaar kamid ah dalalka Islaamka ayaa cambaareeyey falalka ay ku kacayaan cunsuriyiinta Sweden iyo Denemark ee ololaha ka dhigtay gubista Quraanka Kariimka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *