Syria: 100 qof oo ku dhintay weerar Drone oo ka dhacay saldhiga militariga ee Homs

Published: October 6, 2023

Weerar ay diyaarad Drone ah ku qaaday kulliyad militari oo ku taal gobolka Homs ee dalka Suuriya oo ay ka socotay xaflad qalin jabin ah ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 100 qof, 240 kalana waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Wasaarada caafimaadka Suuriya.

Milateriga Suuriya ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drone-ka laga soo buuxiyay walxaha qarxa la-la beegsaday xafladdii Khamiista markii ay soo idlaatay. War qoraal ah oo ay soo saareen, militarigu waxay ku eedeeyeen dagaalyahanada aragagaxisada ah oo ay taageeraan ciidamada caalamiga, waa sidey hadalka u dhigeenee.

Wasiirka difaaca ee Suuriya ayaa ka qayb galay xaflada qalin jebinta balse waxa uu ka tagay daqiiqado kahor weerarka.

Weerarkaasi kadib diyaaradaha dagaalka ee Suuriya ayaa weerar aargudasho ah ku qaaday 20 tuulo oo ku yaal gobalka Idlib oo ay weli gacanta ku hayaan xoogaga mucaaridka iyo kooxaha hoostaga Al Qacida.

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay, oo ay ku jiraan haweenay iyo ilmo, 40 kalena way ku dhaawacmeen weerarrada lagu qaaday gobolka Idlib ee waqooyi-galbeed.

Horseed Media