Syria: Bashar al-Assad oo dhulku ciriiri ku noqdey, waxaa la is weydiin halka uu ku sugan yahay

7 December, 2024

Xoogaga fallaagada Suuriya ayaa si xowli ah ugu sii socda qeybo badan oo ka mid ah dalkaasi, waxayna sheegeen in ay bilaabeen in ay hareereeyaan caasimadda Dimishiq.

Fallaagada Suuriya ayaa ku sii siqaya xaafado ka tirsan magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya, sida ay sheegeen dadka u dhaqdhaqaaqa mucaaradka iyo hoggaamiye ka tirsan fallaagada.

Maalmihii la soo dhaafay, mucaaradka ayaa horumar weyn ka sameeyey duullaanka biriqda ee sida dhakhsaha leh u guuleystey, waxaana ay qabsadeen dhowr ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Suuriya.

Rami Abdurrahman , oo madax u ah ururka la socda xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya, ayaa Sabtidii sheegay in fallaagadu ay hadda dhaqdhaqaaq ka wadaan xaafadaha Dimishiq sida Maadamiyah, Jaramana iyo Daraya.

Mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha fallaagada, Hassan Abdul-Ghani , ayaa ku soo qoray app-ka Telegram in xoogagga mucaaradka ay bilaabeen wejigii ugu dambeeyay ee weerarkooda iyagoo ku hareereysan Dimishiq.

Ciidamada Fallaagada ayaa maanta qabsadey qaybo badan oo ka mid ah magaalooynka dhaca Koonfurta gaar ahaan halkii kacdoonku a bilowdey ee Daraa, Fallaagada ayaa hadda laba dhinac uga soo socda caasimadda.

Wasaaradda difaaca ee Suuriya ayaa beenisay in militariga ay ka carareen goobihii ay ku sugnaayeen.

Duqa magaalada ku taal xuduudka Ciraaq ee Al-Qaim ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters Sabtidii in ku dhawaad ​​laba kun oo askari oo Suuriyaan ah ay ka gudbeen xadka si ay gabaad uga helaan Ciraaq. Waxaa hubaal ah in qaarkood ay dhaawac aaayeen, sida uu sheegay maayarku, waa la daweynayaa.

Telefishanka CNN oo soo xiganaya ilo kala duwan ayaa sheegaya in madaxweyne bashar al-Asad gurigiisu uu cidlo yahay ilaaladiisina aysan joogin, sidoo kale kuma sugna ayaa la lee yahay goobaha muhimka ah ee ay ahayd in uu joogo. Waxaa la is weydiin in uu dalka ka baxsadey.

Xafiiska madaxtooyada Suuriya ayaa sabtidii beeniyay wararka sheegaya in Al-Asad uu ka baxay Dimishiq, xili fallaagadu ay ku soo wajahan yihiin caasimadda. Ra’iisal wasaaraha ayaa xaqiijiyay in uu sii wadi doono gudashada waajibaadkiisa Dimishiq.

Horumarka degdega ah ee fallaagada ayaa dhabarjab weyn ku ah madaxweyne Bashaar al-Assad , iyadoo xulafadiisa ay ku mashquulsan yihiin colaado kale. Ruushka ayaa dagaal kula jira dalka Ukrain, guuldarada gaartey Xisbullaah iyo culeyska saaran IRAN ayaa keenaya in Bashar al-Asad dhulku ciriiri ku noqdey.

Ilaha: AFP, AP, Reuters