SYRIA: Dagaal dhexmaray Ciidamada Turkida iyo Kurdida

Published: December 4, 2020

Hal askari oo ka tirsan ciidamada Turkida ayaa ku dhintay iska horimaad Khamiistii ku dhexmaray waqooyiga Siiriya Ciidamada Turkida iyo kooxda YPG ee kurdida.

Sida ay xaqiijisay Wasaarada Gaashaandhiga ee Turkiga weerarkan ayey kooxaha YPG damacsanaayeen inay kusoo galaan deegaanka Afrin oo ka tirsan dhulka Kurdida Waqooyig Siiriya oo ay hada ku sugan yihiin ciidamada Turkiga iyo xulafadooda.

Dowlada Turkiga ayaa u aqoonsan kooxda YPG iyo PKK ururo argagaxiso oo horey weeraro uga geystay gudaha dalka Turkiga, waana sababta ciidamada Turkida ay gudaha ugu galeen waqooyiga Siiriya si ay kooxahaasi uga fogeeyaan xaduuda ay wadaagaan dalalkaasi Turkiga iyo Siiriya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *