Taageerayaal Caraysan oo Kharibay Taalada Mid Ka Mid ah Ciyaaryahan Ugu Caansan Caalamka

Published: December 23, 2019

Wadanka Swenden ayaa taageerayaal caraysan waxay kharibeen taalo loo dhisay ciyaaryahanka caanka ah ee Zlatan Ibrahimovic . Taaladan ayaa laga dhisay banaanka garoonka ciyaaraha ee Kooxda Malmo.

Zlatan Ibrahimovic oo 38 jir ah ayaa muddo 20 sanno waxaa uu u ciyaarayay Kooxda Malmo ee dalkaasi Sweden, waxaa kaloo uu soo ciyaaray Kooxaha Intermilan, Jevuntus, Barcilona AC Milan, Paris St-Germain iyo Manchester United iyo Xulka wadanka Sweden.

Taageerayaasha kooxda Malmo ayaa ka carooday markii ay maqleen in Zlatan Ibrahimovic uu 25% uu iibsaday kooxda Hammarby oo tartan uu kala dhexeeyo kooxda Malmo, ka dibna waxay Sanka ka jaraan taalada loo sameeyay Ibrahimovic.

Taageerayaashu intaas kuma joogsan ee sidoo kale waxay jabsadeen guriga uu magaalada stockholom uu ka leeyahay Ibrahimovic iyagaa burburiyeen qalabkii iyo alaabihii kale ee guriga yaalay.

Zlatan Ibrahimovic wuxuu xiliciyaareedka u dheelay kooxda LA Galaxy ee wadanka Maraykanka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *