Taariikhda Puntland Sanadkii u Horeeyey 1998

Published: August 1, 2020
Calanka Puntland
Calanka Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland

Bishii Maarso 1998 ilaa Bishii 15 Maajo waxaa socdey shirkii ergooyinka ee lagu ansixinaayey Axdigii Puntland lagua saasey.

Doorashadii Madaxweynihii u horeeyey ee Puntland iyo ku-xigeenkiisa ayaa dhacdey 23 Luuliyo 1998, waxaana doortey ergooyinii shirka.

Golihii Wasiirada ee u horeeyey ayaa Madaxweyne Yusuf ku dhawaaqey 1da Agoosto 1998 waxaana ay ka koobnaayeen 9 Wasiir oo keliya oo kala ah:

  1. Wasiirka Cadaalada & Arimaha Diinta. Shiikh Cali Nuur.
  2. Wasiirka Arimaha Gudaha & Nabadgalyada. Xassan Abshir Faarax
  3. Wasiirka Dhaqaalaha Siciid Maxamed Maxamuud
  4. Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Cali Ismail Cabdigiir
  5. Wasiirka Arimaha Bulshada Dr Yaasiin Faarax Cartan
  6. Wasiirka Xoolaha,Beeraha iyo Deegaanka Xuseen Ismaaciil
  7. Wasiirka Kaluumeysiga & Kheyraadka Dabiicigaa Maxamed Muuse Keynaan
  8. Wasiirka Saxaafada,Dhaqanka iyo Isgaarsiinta Mr Cawad Axmed Cashara
  9. Wasiirka Shaqada Guud & Gaadiidka Axmed Cabdi Xaabsade.

Sida uu sheegayo xogta aan helnay magacaabista golaha Wasiirada ayaa ahayd Agoosto, waxaana ilo kala duwan xaqiijiyeen in ay ahay 01-da Agoosto oo ah maalinta loo asteeyey Asaaska Puntland oo ah maalinta la dhamaystiray golaha Fulinta ee Puntland.

Hambalyadii u horeysey ee Puntland ee gudaha Soomaaliya waxay ka timid siyaasi Cali Mahdi Maxamed oo ka talinaayey qayb kamid ah Muqdisho, waxaana uu marsiiyey warbaahinta.

Xuseen Caydiid oo beddeley Aabihiis ayaa Itoobiya ku eedeeyey in ay taageertey dhismaha Puntland, waxaana eedeyntiisa uu mariyey BBC Somali.

Somaliland ayaa iyaduna ka soo horjeesatey dhismaha Puntland isla bishii Agoosto 1998.

15 Siteember waxaa la dhaariyey 69 Xildhibaan oo lagu Asaasey Golaha Wakiilada ee Puntland, isla 15 Siteembar 1998 waxaa baarlamaanku guddoomiye u doorteen Yusuf Xaaji Siciid.

16 Siteembar waxaa Golaha Wakiiladu Ansixiyeen 9 Wasaaradood iyo Sagaal Wasiir.

22 Siteembar 1998 waxaa la daabacay si rasmi ah Axdigii Puntland lagu asaasey kadib asaaskii Golaha Wakiilada, waxaana lagua asteeyey in Puntland ka mid noqoneyso Dowlad federaal ah oo Soomaaliya ka tirsan, Madaxweynihii Puntland Cabdullaahi Yusuf Axmed ayaa Oktober 1998 ku dhawaaqey Dowald wax wada leh waxna kala leh in Soomaaliya laga hirgelin doono Puntland ay qayb ka noqon doonto.

Diseembar 1998 Itoobiya waxay Puntland u soo magacaabtey qof wakiil uga noqda ama wax u dhigma Qunsuliyad.

Sanadkii u horeeyey ama 4 bilood ee maamulka Puntland ku lahaa sanadkii 1998, waxa uu qaadey tallaabooyin muhim ah, sida qaadida isbaarooyinka Malayshiyaadkii SSDF oo aad u badnaa, asaaska ciidanka Booliska, iyo dib u dhiska ciidanka daraawiishta oo bishii Diseember 1998 Madaxweyne Yusuf sheegay in ay dhisayaan 6000 oo askeri oo isugu jira Boolis iyo daraawiish, waxaana taageerada ugu badan sida dharka iyo kabaha ka heli jireen Itoobiya oo saaxiib dhaw la ahayd Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf, sidoo kale waxaa Puntland agab kala duwan kala soo degi jiretey dekadda Bosaso.

DHACDOOYIN KALE OO MUHIM AH

Calanka Puntland ayaa ka kooban Saddexdan midab kan ugu horeeya ama ugu sareeya waxa uu yahay midab buluuga oo dhexda xidig ku leh kaasi oo ah Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya, waxaa ku xigay midab cadaan ah iyo midabka dooga oo isna ugu hooseeya, waxaana Golaha Wakiilada Puntland ansixiyeen Diseembar 2009.

Dasuurka Puntland oo ahayd in uu beddelo Axdigii la qorey 1998 oo shaqeynaayey saddex sano ayaan lagu guuleysan, dastuurka Puntland ma helin afti dadweyne waxaana ansixiyey ergooyin gobolada iyo Dowaldda laga soo ururshey bishii 18 Abril 2012.

Qore: Ismaaciil Xaaji Siciid oo ah Falanqeeyey arrimaha siyaasadda iyo sooyaalka Soomaaliya aumusse(@)gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *