Tababar loo qabtay Shaqaalahada Wasaaradda Qorsheynta Qaranka

Published: March 3, 2022

Agaasinka Kormeerka iyo Qiimeynta ee Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kullan Aqoon-is-weydaarsi ugu qabtay Magaalada Muqdisho 25 howlwadeenno ah oo ka kala socday dowlad gobaleedyada iyo Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.

Aqoon isweydaarsigaan ayaa ujeedkiisu ahaa xoojinta xariirka wadashaqeynta waaxyaha Kormeerka iyo Qiimeynta Dowladda dhexe iyo Maamul gobaleedyada dalka, si loo kobciyo Aqoonta shaqaalaha dowlad goableedyada oo laga doonayo inay awoodan habka kormeerka iyo qiimeynta mashaariicda ka socda Waddanka, iyada oo la eegayo muhiimadaha ay u leeyahin dalkeenna.

Dhanka kale kullanka ayaa lagu soo bandhigay hanaanka uu u shaqeeyo xafiiska Hagida mashaariicda Midowga Yurub ee Soomaaliyaa, kaas oo u fududeeya waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta dowlad goboleedyada la socodka mashaariicda Midowga Yurub ay ka wado dowlad goboleedyada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *