Tafaasiil kasoo baxday dagaal xalay ka dhacay degmada Luuq

Published: February 5, 2012

Ku dhawaad 15 ruux ayaa ku geeriyootay kadib dagaal culus oo xalay ciidamada dowlada iyo Al Shabaab ku dhexmaray degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Dagaalka oo bilowday fiidki ayaa ka qarxay afaafka hore ee degmada oo ay daganyihiin ciidamo isugu jira Itoobiyaan iyo kuwa dowlada TFG-da Soomaaliya, waxaana marki danbe uu ku fiday magaalada.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo aan la hadalnay ayaa sheegay in dagaalki xalay uu ka mid ahaa kuwi ugu xumaa ee sanadkaan ka dhaca degmada Luuq, iyadoo dadka dhintayna uu ku jiray qof rayid ah.

Xarakada Al Shabaab waxay sheegteen in ay qabsadeen deegaanki lagu dagaalamay balse marki danbe ay si iskood ah isaga soo baxeen, waxa kale oo ay sheegeen in ay ku dileen 12 askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ku sugan Luuq iyo kuwa dowlada.

Afhayeen u hadlay ciidamada dowlada ee ku sugan Luuq oo lagu magacaabo Siyaad Kaliil ayaa beeniyey warka Al Shabaab, isaga oo sheegtay in ay ka reebeen kooxihi soo weeraray ilaa iyo 4 dagaalyahan.

Degmada Luuq ayaa maalmahani waxa ku sugnaa ciidamo Itoobiyaan ah oo la sheegay in ay ku wajahanayihiin gobolada Bay iyo Bakool.

 

Horseed Media