Tahriibayaal ku dhintay shil dooni ku degtay nawaaxiga Jasiirada Lampedusa- Italy

Published: October 7, 2019

Dowlada Talyaaniga ayaa sheegtay in ugu yaraan 9 qof ku dhinteen 22 kalena laga soo badbaadiyey dooni ku degtay nawaaxiga Jasiirada Lampedusa.

Doonidan ayaa la sheegay inay ku degtay meel 11km u jirta xeebta Jasiirada Lampedusa, waxaana la rumeysan yahay inay saarnaayeen 50 qof.

Ciidamada illaalada bada ee Talyaaniga ayaa sheegay in doontan ay kasoo shiraacatay dalka Tunisia, waxaana la sheegay in Tahriibyaasha saarnaa ay u badnaayeen kuwa u dhashay Tunisia iyo dalalka Galbeedka Afrika.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *