Tahriibayaal ku Xaniban Markab Jooga badda dhexe oo loo Gurmaday

Published: August 29, 2020

Dowladda Talyaaniga ayaa Ciidamada ilaalada xeebaha u dirtay inay soo badbaadiyaan Tahriibayaal saaran Markab joga badda dhexe ee Mediterranean-ka.

Markabkan oo qaylo dhaan u dirsaday Talyaaniga ayaa waxaa saaran 219 qof oo tahriibayaal ah, hase yeeshee ciidamada ilaalada xeebuhu waxay sheegeen inay markabka ka soo dejiyeen 49 qof oo keliya oo 13 ay caruur yihiin

Markabkan oo lagu magacaabo MV Louise Michel ayaa ka shaqo bilaabay badda Dhexe ee Mediteranean ah toddobaadkii hore si u caawiyo tahriibayaasha doonyaha yar yar ka soo raaca xeebaha Liibiya si ay u gaaraan qaarada Yurub. Markabkan waxaa maalgalinayaa kooxo xuquuq u dhaqdhaqaaqayaal ah oo lagu magacaabo British street artist Banksy

Bishan August, 45 qof oo Tahriibayaal ah oo ay ku jiraan 5 caruur ah ku dhinteen xeebta wadanka Liibiya, kadib markii ay burburtay doontii ay saarnaayeen.

HORSEEDMEDIA

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *