Tahriibayaal Soomaali ah oo badda cas dooni kuli degtey

Published: February 11, 2012

Tahriibayaal Soomaali ah oo ay 11 tiradoodu tahay ayaa geeriyoodey, 34-kalena waa la la’yahay kadib markii ay badda cas kula degtey dooni yar oo nooca kaluumaysiga ah oo ay ku safrayeen.

Dadka geeriyoodey ayaa qayb ka ahaa 58-qof oo tahriib ahaan ugu sii jeedey dalka Yemen kadib markii ay ka amba baxeen meel u dhow xeebaha degmada Ceelaayo ee gobolka Sanaag.

Xiliga shilkani dhacay oo ahayd todobaadkii lasoo dhaafay dhamaadkiisii ayaa waxaa aad u xumayd cimilada waxaana dhacayey dabaylo xoogan oo badda ka dhigay mid si aad ah u kacsan.

13-kamid ah dadkaas ayaa waxaa soo badbaadiyey ciidamada badda Puntland ee ku sugan degmada Qaw kadib markii ay si dhakhsa ah ugu gurmadeen, waxayna u fidiyeen gargaar deg deg ah oo daaweyn iyo quudinba isugu jira

Waxaana loo badinayaa in dadka ilaa iyo hadda maqan ee badda lagu la’yahay ay dhinteen maadaama mudo 3-maalmood ah laga joogo xiligii ay doontaasi degtey rajada ah nolol lagu helana ay tahay mid aad u yar.

Waa markii ugu horeysey oo doon tahriibayaal wada oo ka tagtay dalka Soomaaliya ay ku degto gacanka u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen tan iyo intii uu bilowday sanadka cusub ee 2012.

Badda cas waa marinka muhaajiriinta ka cararaya dhibaatooyinka colaadaha iyo fakhrigu ugu daran yihiin ee geeska Africa ka tagaan si ay dalka Yemen uga talaabaan dabadeedna ugu sii gudbaan wadamada hodonka ah ee Khaliijka si ay shaqooyin iyo nolol fiican uga helaan.

Sanad walbana boqolaal qof oo Soomaali iyo Ethiopian u badan ayaa ku geeriyooda gacanka cadmeen, shilalka ay dadkaasi ku dhintaan ayaana inta badan ka dhasha doomo yar yar oo ay ku safraan iyo cimilada oo mar mararka qaar aad u xun.

 

Horseed Media