Taiwan oo cambaareysay Ruushka!

Published: February 23, 2022

Madaxweynaha Taiwan ayaa maanta oo Arbaca ah cambaareysay go’aankii Ruushka ciidamada ugu diray gobollada ay gooni-u-goosadka ka taliyaan ee Ukraine, waxayna ku andacootay in qalalaasahaas uu dhiir gelin karo weerar noocaan lamid ah oo Shiinaha kusoo qaado Taiwan.

Taiwan oo iskeed isku xukunta ayaa xaaladda Ukraine si dhow ulla socota, iyadoo Shiinuhu sheeganayo jasiiraddaas, isla markaana uu wacad ku maray inuu maalin uun qabsan doono.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *