Talaabo laga qaadayo Xildhibaanada Fasax la’aanta Uga Maqan Fadhiyada Barlamaanka

Published: September 20, 2024

Villa Hargaysa oo ah guriga uu degan yahay guddoomiyaha barlamaanka Federaalka Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa maanta kulan ku yeeshay guddoomiyaha iyo guddiyada Joogta barlamaanka.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa xubnaha guddiga joogtada u sheegay walaac uu ka qabo kooram la’aanta kulamada Golaha iyo xildhibaanadda fasax la’aanta ka maqan kulamada Golaha.

Wuxuu sheegay in muhiim tahay in xeerhoosaadka gollaha barlamaanka la marsiiyo xildhibaanada fasax la’aanta uga maqan kulamada gollaha.

Dhinaca kale, Guddiga joogta ayaa ansixiyay Ajendayaasha horyaal kulanka guud ee barlamaanka Federaalka ee socda.

HORSEEDMEDIA