TALIBAN oo sheegtay in uu dhamaaday Dagaalkii Afghanistan

Published: August 16, 2021

Kooxda Taalibaan ayaa ku dhawaaqday in uu dhamaaday dagaalkii Afghanistan kaddib markii ay la wareegtay xarunta madaxtooyada ee Kabul iyadoo waddamada reer Galbeedku ay Isniintii isku raaceen inay daad gureystaan muwaadiniintooda.

A Taliban fighter looks on as he stands at the city of Ghazni, Afghanistan August 14, 2021. REUTERS/Stringer NO RESALES. NO ARCHIVES

Boqolaal shacab iyo Diblomaasiyiin ah ayaa saaka buux dhaafiyay garoonka diyaaradaha Kabul si ay uga cararaan colaadda Afghanistan xilli Xoogga Taliban ay xaqiijiyeen gacan ku haynta aqalka looga arimiyo dalkaasi.

Taliban fighters take control of Afghan presidential palace after the Afghan President Ashraf Ghani fled the country, in Kabul, Afghanistan, Sunday, Aug. 15, 2021. (AP Photo/Zabi Karimi)

Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa dalkiisa ka qaxay Axaddii, markii Taaliban ay soo galeen caasimadda, iyadoo aysan jirin cid iska caabbisay, isagoo sheegay inuu doonayo inuu ka fogaado ‘dhiig daata.

“Maanta waa maalin ku weyn shacabka Afghanistan iyo mujaahidiinta. Waxay goobjoog u ahaayeen miraha dadaalkooda iyo naftooda oo ay u hureen 20 sano,” ayuu yiri Mohammad Naciim, afhayeenka xafiiska siyaasadda ee Taalibaan u sheegay TV -ga Al Jazeera.

“Waxaan gaarnay wixii aan raadinaynay oo ahaa xorriyadda dalkeenna iyo madaxbannaanida dadkeenna. Ma oggolaan doonno in dad kale ay dhulkeenna u adeegsadaan goob dagaal, ayn ku beegsado dad kale, inaguna ma doonayno inaan dadka kale waxyeello u geysanno.” ayuu sii raaciyay.

Taalibaan waxay ku qaadatay inay gebi ahaabna qabsato Afghanistan muddo ka yar laba todobaad, iyadoo ugu dambeybtiina ay shalay gacantooda soo gashay magaalada caasimadda  ah ee Kabul.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *