Taliska ATMIS oo xayiraad ku soo rogay Xerada Xalane.

Published: April 25, 2022

Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa shaaciyay in mar kale ay xayiraad gelinayaan dhaqdhaqaaqa Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Image

Taliska ATMIS oo warqad u diray safaaradaha, Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo diplomaasiyiinta ku sugan Xerada Xalane ayaa lagu sheegay in xaalad bandow ah la gelin doono xeendaabka Garoonka Aadan Cadde laga bilaabo 25-28 bishan.

Tallaabadan ayaa lagu sugayaa ammaanka Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, oo 27-ka bishan ka dhaceysa Xerada Afisyooni.

Hawlgalka KMG ee ATMIS ayaa horey muddo lix cisho ah hakad u geliyay dhaqdhaqaaqa aagga Garoonka Aadan Cadde, markaas oo loo diyaargaroobayay munaasabadda dhaarinta ee Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *