Taliska Booliska Karkaar Oo Ka Hadlay Muuqaal Qabsaday Internet-ka

Published: June 8, 2020

Taliye ku xigeenka qaybta booliska gobolka Karkaar, Jaamac Cismaan Axmed Dhalac iyo taliyaha saldhiga degmada Qardho, Cumar Hiirad Kaatun, oo maanta shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa raaligelin ka bixiyey muuqaal si weyn u qabsaday baraha bulshada kaasoo laga duubay ciidamada booliska oo hanjabaad iyo bahdil u geysanaya koox dhalinyaro ah oo isugu jira gabdho iyo wiilal da’yar kuwaas oo habeen saqdhexe ku caweynayey duleedka Magaalada Qardho.


Cumar Hiirad Kaatun, Taliyaha Saldhiga Degmada Qardho , ayaa sheegay inay muuqaalka duubeen dad goobta ku sugnaa booliskana ka madax banaan.


“ Xogta, waraysiga iyo clipka aanu duubanaynay…ma uusan ahayn mid aanu ku bahdilayno dhalinyarada aanu meesha ugu tagnay ee wuxuu ahaa mid aanu cadayn uga dhigayno waalidiintu berri ka maalin marka ay inoo yimaadaaniin inaanu niraahno anagu caruurtiinu waxa kan baan kusoo qabanay…….dad kale oo mobilo watey oo nala joogay ama askaro ha ahaadaane ama dad kale ha ahaadaane ayaa muuqaalo kale duubtay ka bacdina waxay dhigeen baraha bulshada “ ayuu yiri; Cumar Hiirad.


Jaamac Cismaan Axmed Dhalac, Taliye ku xigeenka qaybta booliska gobolka Karkaar, ayaa sheegay in falkaasi ahaa mid dhaqanka iyo anshaxa ka fog.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *