Taliska ciidanka gurmadka deg dega ah ee Suudaan oo ku dhawaaqay xabbad joojin

Published: April 18, 2023
Shares6

Taliyaha ciidanka gurmadka deg dega ah ee qeybta ka ah dagaalka ka dhacay dalka Suudaan Maxamed Xamdaan Dagalo ayaa ku dhawaaqay in ay sameeyen xabbad joojin 24 saacadood.

Taliayaha ayaa tallaadaban shaaciyey kadib markii uu labada dhinac waan waan ka dhex sameeyey xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka Anthony Blinken.

Labada dhinaca oo saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey ay xaaladdooda colaadeed halkii ugu sarraysay gaarey ayaa hadda u muuqda kuwo la saaray culayso Caalamiya.

Sannado ka hor Suudaan waxay ka mid ahayd dalalka fara ku tiriska ah ee ka tirsan qaaradda Afrika isla markaana aanu Maraykanku ku lahayn wax saamayn iyo galaan gal ah.

Horseed Media