Taliska Qaybta 21-aad "Marnaba cadawgu isma hortaagi karo rajada umadda Soomaaliyeed"

Published: December 22, 2019

Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa war qoraal kaga hadlay ismiidaamintii xalay ka dhacday Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Taliska Qaybta 21aad ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay weerarkaasi oo ay ku dhinteen illaa toddobo qof, halka tiro intaasi ka badana ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen.

“Waxaan halkaan uga tacsiyaynaynaa dhammaanba ciidamada iyo Shacabka aan waxba galabsan ee cadawga nabadiidka ah ku weerarey Magaalada Gaalkacyo.”

Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in weerarkan uu tusaale wanaagsan u yahay sida cadowgu u beegsanayo nolosha shacabka Soomaaliyeed, una diidan yahay xasiloonida dalka.

“Waa tusaale cadeynaya sida cadawgu u beegsanayo nolosha Shacabka soomaaliyeed, una diidan yahay xasiloonida dalka iyo nolosha maatida aan waxba galabsan.”

Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Inta ku waxyeelooday Alle ha u dhib yareeyo, kuwa Ku dhintayna janada Alle haku abaal mariyo.”

Si lamid ah baaqii Madaxweyne Xaaf uu u jeediyay reer Gaalkacyo mid lamid ah ayuu Taliska Qaybta 21aad u jeediyay bulshada ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo, waxaana qoraalka lagu yiri “Waa in reer Gaalkacyo fadhiga ka kacaan oo ay meel uga soo wada jeestaan cadowga, lana shaqeeyaan ciidamada amniga si looga hortago falalka guracan ee cadowgu gaysanayo. Marnaba cadawgu isma hortaagi karo rajada umadda Soomaaliyeed iyo dowladnimadooda.”

HALKAN KA DAAWO WARAYSI TALIYAHA CIIDAMADA LUGTA

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *